Khilaafka is jiijiidka ee u dhexeeya Malaysia iyo Woqooyiga Kuuriya

Kim Jong-nam oo caawin raaadsanaya waxyar ka mid markii wejiga laga sumeeyay oo ku dhex sugan garoonka diyaaradaha Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Kim Jong-nam oo caawin raaadsanaya waxyar ka mid markii wejiga laga sumeeyay

North Korea iyo Malaysia ayaa si isdhaafsi ah kala saaray muwaadiniintooda xayiraad aysan dalalkaas uga bixi karin.

Arrintaasi ayaa ka dhalatay khilaaf sii xoogeysanaya oo ka dhashay dilka nin ay isku aabo ahaayeen hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi Kim Jong-nam.

Iska aargudashada xad dhaafka ah waxay imaaneysaa ka dib markii Kuuriyada Woqooyi ay ka carootay qaabka Malaysia ay u baareyso geerida Kim Jong-nam.

Kim ayaa lagu dilay garoonka diyaaradaha ee Kuala Lumpur, xilli uu doonayay inuu halkaasi diyaarad ka raaco.

Ninkaas oo ay isku aabo ahaayeen hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi, waxaa dilkiisa loo adeegsaday sun neerfaha wax yeeleysa.

Dowladda Malaysia weli si toos ah umeysan cambaareyn Woqooyiga Kuuriya, balse waxaa jiro shaki weyn oo ah in maamulka Pyongyang uu ka dambeeyo dilka.

North Korea ayaa si adag u beenisay eedaha dilka, waxayna ka carootay sida baaritaanka loo sameynayo.

Waxay hadda dood ka taagan tahay cidda qaadaneyso meydka Kim, taas oo khilaafka sii xoojisay.

Labada dal ayaa hadda kala qaatay safiirada, murankana hawada ayuu isku shareeray.

Maxay ahayd waxa Kuuriyada ay ku dhawaaqday?

Idaacadda dowlada Kuuriyada Woqooyi ee KCNA waxay sheegtay "dhammaan dadka u dhashay Malaysia ee dalka joogo si ku meel gaar ah ayaa looga joojiyay inay dalka ka baxaan illaa xaaladda ay Malaysia si dhab ah xal uga gaareyso".

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Kim Jong-nam si joogto ah ayuu u booqan jiray Malaysia, wuxuuna sugaya diyaarad u qaada Macau markii la weeraray

Waxay tallaabadaasi ku sheegeen in ay tahay sidii loo hubin lahaa badqabka muwaadiniinta iyo diblumaaasiyiintooda ku sugan Malaysia.

"Dadka Malaysia ee ku nool Woqooyiga Kuuriya way wadan karaan noloshooda caadiga ah", ayaa laga sheegay idaacadda.

Sidey Malaysia uga jawaabtay?

Waxay uga jawaabtay si caro leh. Ra'iisul wasaaraha Malaysia Najib Razak wuxuu sheegay in "ficil xun oo la yaab leh " uu yahay oo aan waafaqsaneyn xeerarka caalamiga ah iyo midka diblumaasiyadda.

"Dadka Malaysia ayaa sida maxaabiis loogu haystaa Kuuriyada Woqooyi," ayuu ku yiri war saxaafadeed.

"Anagoo difaaceyna dadkeena iyo hantidooda, kama leexan doonno inaan qaadno tallaabooyiinka muhiimka ah ee aan uga hor tageyno halista dadkeena ay wajahayaan".

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Sida loo "sumeeyay" Kim Jong-nam

Xilli sii horeysay, Ku xigeenka Ra'iisul wasaaraha Axmad iyo wasiirka arrimaha gudaha Zahid Xamidi ayaa jawaab ka dhigay inay xayiraan dadka Kuuriyada Woqooyi ee ku sugan Malaysia.

"Shaqaalaha safaaradda North Korea iyo xubnaha dalkaasi ka soo jeedo looma ogolaan doono inay Malaysia ka baxaayn," ayey sheegeen.

"Waxaan dooneynaa inaan qaadno tallaaabo kastoo la mid ah, maadaama ay shirqoolka dilka ka dambeeyeen", ayaa laga soo xigtay saraakiisha Malaysia.

Tirada dadka uu saameynayo arrinta

Maamulka dalka Malaysia ayaa sheegay in 11 qof ay kaga sugan yihiin Woqooyiga Kuuriya oo dhammaan ah diblumaasiyiin.

Waxay sidoo kale sheegeen in qiyaastii 1,000 qof oo North Korea u dhashay ay joogaan gudaha Malaysia.

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Booliska Malaysian waxay sheegeen in laba qof oo laga shakisan yahay inay weli ku dhuumanayaa dhismaha safaaradda Woqooyiga Kuuriya ee Kuala Lumpur.

Tirada dadka Woqooyiga Kuuriya ee ku sugan Malaysia si rasmi ah looma garan karo.

Waxaa balse logu yaqiinay in shacabkeeda ay dalkaasi u soo dirtay si ay uga shaqeystaan.

Ka hor intuusan bilaaban Khilaafka, muwaadiniinta Woqooyiga Kuuriya fiiso la'aan ayey ku gali jireen Malaysia.

Tani ma sharci baa?

Ficillada noocaas ah wa kuwa aan caadi ahayn oo aan horey looga baran labada dhinac.

Sharciga xuquuqda aadanaha ee UN, wuxuu qabaa "qofkastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu dal ka safro, xittaa dalka uu ka soo jeedo, ama haddii uu doonayo inuu dalkiisa ku noqdo".

Malaysia sharcigaas ayey wax ka saxiixday, balse Kuuriyada Woqooyi ma aysan saxiixin.

mamnuucidda noocaas ah wuxuu sidoo kale ka soo horjeedaa xeerkii Vienna ee xiriirka diblumaasiyadda, kaas oo labada dalka ay ka mid yihiin.

Halkuu ku socdaa baaritaanka dhimashada Kim?

Baaritaan maydka lagu sameeyay waxaa lagu ogaaday in lagu dilay sun halis ah oo neerfaha waxyeeleysa lagu dilay Kim.

Waxay suntaasi ka sameysneyd waxyaabaha lagu daro hubka wax gumaada.

Lahaanshaha sawirka Reuters/AFP
Image caption Doan Thi Huong (bidix) iyo Siti Aisyah (midig) labaduba waxaa lagu eedeeyay dilka Kim

Illaa iyo hadda, haweeney u dhalatay Indonesia iyo mid u dhalatay Vietnam ayaa lagu oogay dacwad la xiriirta dilka.

Labaduba waxay ku doodayaan in loo sheegay inay ka qeybgalayaan barnaamijk madadaalo oo TV ka baxa.

Qof u dhashay Kuuriyada Woqooyi oo la xiray ayaa la sii daayay ka dib markii cadeyn lagu waayay.

Malaysia waxay weli raadineysaa dhowr qof oo u dhashay North Korea, oo uu ka mid yahay qof diblumaasi ah.

Talaadadii, taliyaha booliska ee Malaysia, Khalid Abu Bakar wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay in laba qof oo laga shakisan yahay ay weli ku dhex dhuumanayaan safaaradda Kuuriyada Woqooyi ee Kuala Lumpur.

"Waan sugeynaa, haddii ay shan sano qaadato xittaa bannaankaan ku sugeynaa", ayuu u sheegay weriyayaasha.

Ciidamo hubeysan ayaa la geeyay safaaradda bannankeeda.


Taariikhda xiriirka Malaysia iyo Kuuriyada Woqooyi

  • Malaysia waxay ka mid ahayd dhowrka dal ee saaxiibka dhow la ah North Korea
  • Xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal waxa uu soo bilowday 1970-meeyadii.
  • Ka dib markii ganacsiga saliidda ee labada dhinac oo kobcay, Kuuriyada Woqooyi safaarad ayey 2003-dii ka sameysatay Kuala Lumpur
  • Hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi Kim Jong-un adeerkii oo 2013-kii la dilay, Chang Song-thaek, wuxuu mar ahaan jiray safiirkii u qaabilsanaa Malaysia
  • Balse safarada fiise la'aanta ah ee labada dal ayaa la joojiyay isla markii uu sare u kacay khilaafka ka dhashay dilka Kim Jong-nam

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan