Amnest: Waa ceeb haddii Sudaan ay diido baaritaanka hubka kiimikada

Meel ay hey'adda sheegtay in hub kiimiko ah lagu riday Lahaanshaha sawirka AmnestyEasternAfrica Twitter acount
Image caption Meel ay hey'adda sheegtay in hub kiimiko ah lagu riday

Kooxda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International, waxay sheegtay inay ceeb tahay, haddii Qaramada Midoobey ay u suuragali wayso baaritaan sax ah oo lagu sameeyo Weerarada la sheegay in dowladda Sudaan ay ku qaaday shacabka.

Bishii September, Amnesty waxay sheegtay inay hayso cadeyn wax ku ool ah oo muujineysa in si joogto ah, Darfuur loog is ticmaalay hub kiimiko ah.

Hay'adda ayaa sheegtay in hubkaas lagu dilay 200 oo qof oo reer Daarfuur ah, horraantii sanadkii tagay.

Kooxda u dooda xuquuqda aadanaha waxay sheegtay in militariga Sudaan uu fuliyay weerar cir iyo dhul ah oo "shacab lala eegtay".

Weerarkaasi wuxuu dhacay muddadii u dhexeysa January iyo August ee sanadkii tagay.

Kooxda waxay tilmaamtay in ay heshay sawirro dayax gacmeed uu qaaday, marqaatiyaal iyo dhibanayaal, taas oo "cadeyn u ah" waxa dhacay.

Amnesty waxay intaa ku dartay in qaar ka mid ah shacabka, oo caruur ay ka mid yihiin, uu gaaray dhaawac muujinaya suntan kiimikada.

Arrintaasi waxay dhacday xilli dowladda ay waday olole ka dhan ah mucaaradka Darfuur.

Sudaan way beenisay eeda, waxayna sheegtay in aysan haysan hub kiimiko ah, welina aysan adeegsan.

Sudaan waxay ka mid tahay saxiixayaasha xeerka ka hortagga hubka kiimikada sunta ah.

Heshiiskaasi wuxuu mamnuucayaa, soo saaridda, ka ganacsiga iyo isticmaalka hubka suntan ah.

Guddiga ka hortaga hubka kiimikada ayaa isbuucan ku shiraya magaalada Hague, waxayna eegi doonaan baaqa cusub ee Amnesty ay soo saartay.

Waxay ka wadahadli doonaan sida loo kormeeri karo meesha la sheegay in hub kiimiko ah lagu adeegsaday.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan