Wasakheynta hawada: Isku deyga wax looga qabanayo daruuraha madow ee Qaahira

Beeraleyda bariiska ayaa sida caadiga ah waxay isu keenaan ka dibna gubaan haraaga bariiska. Lahaanshaha sawirka KHALED DESOUKI/AFP
Image caption Beeraleyda bariiska ayaa sida caadiga ah waxay isu keenaan ka dibna gubaan haraaga bariiska.

Dadka Masar waxay la yaaban yihiin xilliyadan oo kale qiiqa daboola hawada magaalada Qaahiro iyo deegaanada ku hareereysan.

Qiiqa sida daruuro u daboolay magaalada ayaa la arkaa sanadkaste, 20-kii sano ee la soo dhaafay, wuxuuna Deegaanka oo dhan ka dhigay mugdi.

Dalka Masar waxaa looga garanayaa 'daruuraha madow', markii ugu horeysayna waxaa sanadkii 1997-dii, lagu arkay magaalooyiinka ku teetsan wobiga Nile Delta.

Xilliyadii hore wax yar ayuu u muuqday, balse si degdeg ah ayuu ku batay, wuxuuna gaaray dalka oo dhan.

Qiyaastii 42 boqolkiiba hawada dalkaasi ayaa wasakheysan, sida ay sheegtay wasaaradda bay'ada ee dalka Masar.

Lahaanshaha sawirka CRIS BOURONCLE/AFP
Image caption Qaahira waxaa si xun u saameeyay qiiqa

Waxaa la sheegay in qiiqa ama uurrada qeyb ka mid ah ay sababeen beeraleyda gubaya cowska, sababtoo ah ma haystaan meel kale oo ay geeyaan cowskaasi si ay beeraha u nadiifiyaan.

Sidoo kale ma haystaan meelo dib loogu dib u warshadeyn loogu sameeyo cowska.

Sanado dhowr ah, waxaa soo socday qaabab la isugu deyayo in looga hortago dhibaatada.

Amal Taha, oo ah madaxa waaxda dhowridda deegaanka, wuxuu sheegay in wasaaradda ay heshiis la gashay shirkad yar oo isticmaasha cowska iyo qashinka ku hara beeraha.

Lahaanshaha sawirka Egypt Environment Ministry

Muuqaal ay soo saartay wasaaradda waxay ku sheegtay in 1.7 milyan oo ekar oo lagu abuuray bariis, taas oo dhalisay 3.4 milyan oo tan oo ah cowska ka hara bariiska.

Ugu yaraan afar gobol ayey wasaaradda qashinka ka aruurineysaa ka dibna waxaa lagu sameynayaa dib u bacrimin.

"Waxaan barnaa beeraleyda sida laga yeelo qashinka si loo xaqiijiyo in xalka uu noqdo mid joogto ah", ayuu yiri Taha.

Lahaanshaha sawirka Egypt Environment Ministry

Wasaaradda deegaanka ee Masar ayaa sidoo kale adeegsaneysa dayax gacmeed si ay u ogaato meesha beeraleyda ay isugu geeyeen haraaga ayna doonayaan inay ku gubaan.

Waxay sidoo kale xoojiyay sida loogu soo gudbin karo dacwo iyo warar la xiriira jebinta sharciga iyo wasakheynta hawada.

Dadka waxay kala xiriiri karaan baro ay ka mid yihiin WahtsApp, Facebook, website iyo telefoonno.

Lahaanshaha sawirka Egypt Environment Ministry
Image caption Sida dowladda ay u dabagasho meelaha qashinka lagu gubo

Beeraleyda jebiya sharciga waxaa lagu ganaaxaa $316 illaa $6,300 oo dollar, waxayna muteysan karaan xabsi.

Sidoo kale waxaa jiro qaabab kale oo wanaagsan in la sameeyo si wax looga qaban karo xaaladda.

Lahaanshaha sawirka KHALED DESOUKI/AFP
Image caption Qiiq ka baxaya meel beeraley ay qashin ku gubeen

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan