Shiinaha oo Woqooyiga Kuuriya u sheegay inuu joojiyo tijaaabada nukliyerka

TV-ga dowladda Pyongyang ayaa baahiyay muuqaallo uu ku sheegay madaafiicda la tijaabiyay Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption TV-ga dowladda Pyongyang ayaa baahiyay muuqaallo uu ku sheegay madaafiicda la tijaabiyay

Dowladda Shiinaha ayaa soo jeedisay in Kuuriyada Woqooyi ay joojiso tijaabada gantaallada iyo nukliyerka "si looga hortago colaadda muuqata".

Wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha Wang Yi wuxuu sheegay in dhanka Mareykanka iyo Koonfurta Kuuriya laga doonayo inay joojiyaan tababarada sanadlaha ah ee ciidamadooda siwad wadajirka ah ugu qabtaan.

Dalabka Shiinaha ayaa imaanayo ka dib markii Kuuriyada Woqooyi ay Isniintii tijaabisay afar gantaal, oo ay ku jebisay cunna qabateynta caalamiga ah ee saaran.

Mareykanka oo tijaabadaasi ka jawaabaya wuxuu billaabay inuu dib u hagaajiyo qalabka difaaca gantaallada ee Kuuriyada Koonfureed.

Wang Yi wuxuu sheegay in gacanka Kuuriya "ay ku socdaan laba tareen oo xawaare dheereynaya, oo hadda u socdo inay isku dhacaan, oo hadana midkoodna uusan dooneyn inuu dhinac u leexdo".

"Ma waxay u socdaan labada dhinac inay dagallamaan?" ayuu yiri wasiirka.

Waa in tallaabada koobaad noqotaa joojinta howlaha militariga, lana dejiyo xiisadda taagan si loo billaabo wadahadallo, ayuu sheegay wasiirka.

Thaad 'waa in daandaansiga uusan halis ku ahayn Shiinaha'

Seddax ka mid ah madaafiicda ay tijaabisay Kuuriyada Woqooyi waxay ku dheceen biyaha gaarka u ah Japan.

Ra'iisul wasaaraha Japan, Shinzo Abe iyo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump waxay sheegeen in gobolka uu wajahayo "khatar cusub".

Golaha amniga ee Qaramada Midoobey waxay si adag u cambaareeyeen tijaabada, waxayna ku tilmaameen inay tahay arrin laga xumaado oo xadgudub ku ah waajibaatka caalamiga ah ee saaran Kuuriyada Woqooyi.

Golaha, oo la filayo in maanta uu kulmo, wuxuu ku hanjabay inuu qaadi doono "tallaabooyiin dheeraad ah" oo ka dhan ah Kuuriyada Woqooyi.

Tallaabooyiinkaas waxaa ka mid noqon kara in cunna qabateyn dheeraad ah la saaro xukuumadda Pyongyang.

Dhanka kale, Mareykanka wuxuu markale maamulka Beijing u xaqiijiyo in qalab dheeraad ah oo ka hortaga madaafiicda uu geynayo Kuuriyada Koonfureed uusan ahayn halis.

Balse, Shiinaha wuxuu sheegay in qalabkeeda raadaarka uu si fog u shaqeynayo.

Maamulka Shiinaha wuxuu sheegay in ay eegayaa awoodda militariga Mareykanka uu ku yeellanayo halkaasi, "ayna qaadi doonaan tallaaabooyiin muhiim ah oo la xiriira danohooda amniga".

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Qeyb ka mid ah qalabka ka hortagga madaafiicda ayaa la gaarsiiyay Kuuriyada Koonfureed

Shir jaraa'id oo Talaadadii uu qabtay afhayeenka waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka, Mark Toner, wuxuu ku celiyay in dalkaasi uu Shiinaha u xaqiijinayo nabad gelyo.

Wuxuu sheegay, "Waxaa ku cad wadahadalkeena Shiinaha aan la yeelanay in tani aanan laga damacsaneyn halis, aysanna caga jugleyn ku ahayn ayaga ama dalalka kale ee gobolka".

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan