Dhagayso dood ku saabsan isticmaalka baraha bulshada sida Facebook
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dhagayso dood ku saabsan isticmaalka baraha bulshada sida Facebook

Cilmibaarista ayaa sheegaysa in isticmaalka qofku ku jiro mudo laba saac ah oo xiriir ah baraha bulshada ay qofka u laba jibaarayso in uu dareemo kelinnimo shakhsi ah.

Waxaa sidoo kale la sheegayaa in inbadan oo qofku uu waqti badan ku bixiyo Online-ka ay hadana ka dhigan tahay in qofkaasi ay ku yar tahay is dhexgalka dunida dhabta ah.

Haddaba dood arrimahaas la xiriirta gaar ahaan faa'idada iyo khasaaraha uu leeyahay adeegsiga baraha bulshada oo ay BBC qabatay ayaa waxaa ka qayb galay Cabdi Geesi oo jooga magaalada Boorame, Maxamuud Xeef oo jooga magaalada Burco iyo Fartuun Xasan Diino oo joogta Muqdisho, dooda waxaa qaybinaya Mowliid Xaaji Cabdi.