Abukhamada oo ballan qaaday ilaalinta goobaha shidaalka Liibiya

Ras Lanuf Lahaanshaha sawirka AFP

Madaxa ilaalada goobaha shidaalka ee Liibiya ayaa sheegay in dawladda ay Qaramada Midoobay taageerto ay u xilsaartay in uu ilaaliyo dakadaha laga dhoofiyo shidaalka.

Idris Abukhamada oo dhawaan loo magacaabay madaxa ilaalada goobaha shidaalka ee dalka Liibiya ayaa ballan qaaday in ay furnaan doonaan goobaha shidaalku si ay u sii socoto dhoofinta shidaalka ee dalka Liibiya oo aad loogu loolamayo.

Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo badhtanka lagaga jiro duqaymaha diyaaradaha ee ay gaysanayaan kooxda isugu yeerta Ciidammada Qaranka Liibiya, iyaga oo isku dayaya in ay dib u qabsadaan warshadaha shidaalka ee Ras Lanuf iyo Es Sidra.

Xoogagan ayaa bishii Sabtembar qabsaday warshadda shidaalka waxayna qaadeen xayiraaddii dhoofinta shidaalka ee muddada labada sano ah saarnayd, taas oo ay soo rogtay waaxda ilaalada goobaha shidaalka ee magaceeda loo soo gaabiyo PFG.

Markaas PFG waxaa hogaaminayay dagaal ooge.

Dawladda taageerada ka haysata Qaramada Midoobay ee ku sugan magaalada Tripoli ayaa dhawaan Abukhamada u magacawday madaxa ilaalada goobaha shidaalka.

Ma cadda in xubnaha kale ee ugu cadcad xoogagan ay daacad u yihiin isaga ama dawladda.