Waraysi: Dumarka iyo doorkooda warbaahinta
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waraysi: Dumarka iyo doorkooda warbaahinta

Maanta waxaa dunida oo dhan laga xusayaa maalinta haweenka adduunka, waxaana munaasabaddan loogu tala galay in lagu dhiirri galiyo kaalinta ay haweenku kaga jiraan bulshada.

Dumarka Soomaalida ayaan iyaguna ka marnayn maanta oo ay maalintooda tahay, sidaasoo ay tahayna waxaa jira dumar qabta hawlo aan haweenka looga baran ama ay ku yar yihiin.

Faaduma Yuusuf Siciid (Faaduma Taxadar) waa gabar saxafiyad ah, waxayna inta badan aad u isticmaashaa kaamerada oo ay ku shaqayso. Waa shaqo aysan gabdhaha saxafiyiinta ah ku badnayn. Faarax Lamaane ayey uga warrantay waxa ku kallifay inay hawsha sawir qaadidda ku shaqayso.