'Dhaqtar Isku sheeg' 11 sano ka shaqeysanayay Australia

Qalabka dhaqtarka Lahaanshaha sawirka Spl

Nin lagu eedeeyay in uu dhaqtar iska dhigay oo ka shaqeynayay cisbitaal ku yaalla dalka Australia ayaa la aaminsan yahay inuu dalkaasi ka baxsaday hadda.

Ninkaasi ayaa cisbitaallo kala duwan ka shaqeynayay in ka badan 10 sano.

Shyam Acharya waxaa lagu eedeeyay inuu Hindiya ka xaday magaca dhaqtar kale iyo shahaadooyiin ka hor inta uusan Australia aadin.

Wuxuu ka shaqeyn jiray cisbitaallo kala duwan tan iyo 2003-dii, sida waaxda caafimaadka ee New South Wales ay sheegtay.

Sidoo kale wuxuu ninkaasi helay sharciga dalka Australia. Acharya weligii lagama dacwoon, qofna maysan murmin.

Waxaa lagu xukumayaa ganaax gaarayo $18,700 oo dollar, balse waxaa loo maleynayaa inuu ka baxsaday Australia, sida uu sheegay sarkaal u hadlay waaxda caafimaadka.

"Waa arrin aad looga xumaaado in qof ajnabi ah uu xuduudaheena uga soo gudbo warqado iyo baasaboor been ah oo uu leeyahay qof kale oo dhaqtar Hindi ah," ayuu yiri Hazzard, oo ah wasiirka maamulka News South Wales u qaabilsan caafimaadka.

Wargelinta bukaanka

Warbaahinta gudaha waxay ku warramayaan in magaca beenta ah ee uu isticmaalay uu yahay Sarang Chitale, oo ah dhaqtar Hindiya ka shaqeeya.

Waaxda sharciyeysa dhaqaatiirta ee dalka Australia ayaa wakaaladda caafimaadka ee NSW ku wargelisay inay baareyso Mr Acharya, bishii November ee sanadkii tagay.

Wuxuu ka shaqeeyay afar cisbitaal oo dowladda maamusho oo ku yaalla New South Wales.

Wuxuu sidoo kale ka shaqeeyay laba cisbitaal oo Sydney ku yaalla, labo ku yaalla bartamaha dalka. Wuxuuna shaqada joojiyay 2014-kii.

Ku xigeenka xoghayaha caafimaadka ee NSW, Karen Crawshaw ayaa la sheegay in loo aqoonsaday dhaqtarka ugu wanaagsan da'yarta, sababtoo ah wuxuu kormeerayay dhaqaatiirta kale.

In kastoo weligii aan laga dacwoon, hadana Mr Acharya wuxuu qeyb ka ahaa koox caafimaad oo baaray sida loo daaweyn karo qof bukaannada ka mid ah.

Hazzard wuxuu sheegay inuu la kulmayo bukaanka oo lagu wargeliyay "khiyaanada uu sameeyay" ninka dhaqtarka isku sheegay.

Baaritaanka muwaadinnimada

Booliska Australia iyo saraakiisha waaxda socdaalka waxay baarayaan sida Mr Acharya uu ku helay dhalasha dalkaasi.

"Waxaan rumeysannahay in uu qaatay tababar caafimaad. Waa macquul inuu Hindiya ku soo qaatay," ayuu yiri Hazzard oo la hadlay idaacadda dowladda Australia.

"Inuu dhameystay waxbarashadaas ayaa ah midda u baahan in la baaro".

Dowladda Australia ayaa ballan qaaday inay sameyndoonto waxkastoo looga hortagi karo in been abuur noocaan ah uu markale ka dhoco dalkaasi.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan