Qarax ka dhacay xaflad aroos oo 26 qof ay ku dhinteen

Qariidadda Xajaj iyo Tikrit ee Ciraaq

Laba qarax oo ismiidaamin ah ayaa lagu dilay 26 qof oo ahaa marti ka qeybgaleysay xaflad aroos oo ka socotay tuulo ku taalla dalka Ciraaq.

Ururka isku magacaabay Khilaafada Islaamka ayaa sheegay in dagaalyahannadooda ay maanta weerareen tuulada Xujaj oo ku dhow Tikrit.

Qofka ugu horeeyay wuxuu isku qarxiyay rag ciyaarayay, ka dibna qarax labaad ayaa lala eegtay dadkii u soo gurmaday kuwa qarixii hore ku waxyeeloobay, sida maamulka Ciraaq uu sheegay.

Intabadan dadka dhintay waxay ahaayeen caruur, sida uu AP u sheegay afhayeen u hadlay maamulka deegaanka.

Daacish waxay sheegtay inay qaraxyada la eegteen koox Shiico ah oo isu abaabulay dagaalka ka dhanka ah daacish, taageerana ka hela militariga Iiraan.

Ururka daacish ayaa sheegay in dagaal uu ka dhacay meesha ka hor inta uusan isqarxin dagaalyahankooda.

Ugu yaraan 25 qof ayaa qaraxyada ku dhaawacantay.

Xafladda arooska ee la weeraray waxaa qabsaday qoys ka barakacay galbeedka Anbar, ka dibna ku biiray qabiil si weyn uga soo horjeeda Daacish, sida ay wakaaladda wararka ee AP ku warranatay.

Ururka la baxay Khilaafada Islaamka ayaa 2014-kii qabsaday Woqooyiga iyo Bartamaha Ciraaq oo Tikrit ay ka mid tahay, balse 2015-kii ayaa laga saaray.

Si kastaba, weli waxay qaadaan weeraro ay ka fuliyaan nawaaxiga magaalada oo ah meesha uu ka soo jeedo madaxweynihii hore ee Ciraaq Saddam Xuseen.

Weerarka wuxuu imaanayaa ayadoo ciidamada Ciraaq ay u dagaallamayaan sidii daacish ay uga saari lahaayeen magaalada Mosul.

Ciidamada waxay bariga magaalada qabsadeen bishii January, haddana waxay ku dagaallamayaan dhanka galbeed.

Isbuucan waxay qabsadeen dhismaha xafiisyada dowladda iyo xabsiga Badhuush oo ah meesha daacish ay ku dishay 600 oo qof oo Shiico ahaa.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Daawo: Maxaa midabka madow u yeelay idaha magaalada Qayirah, Ciraaq

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan