Xubinta Doodda ee barnaamijka Dunida & Maanta
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xubinta Doodda ee barnaamijka Dunida & Maanta

Xubinta dooda ee barnaamijka Dunida & Maanta waxaa dhagaystayaasha BBC-du kaga doodeen xukuumadda cusub ee lagu wado in uu soo dhiso Ra'isalwasaaraha Xasan Cali Kheyre, waxay dhagaystayaashu kaga doodeen xukuumadda ay jeclaan lahayaeen inuu soo dhiso Ra'isalwasaare.

  • Ma xukuumad kooban oo sida la sheego ay tahay in ay iska dhexarkaan beelaha Soomaaliyeed
  • Mise xukuumad kooban oo tayo iyo tiro leh oo lagu jaangeeyo dhaqaalaha Soomaaliya
  • Xukuumad ka kooban wasiiro u badan qurbo-joog mise kuwa dal-joog ah
  • Xukuumad ay ka mid yihiin wajiyadii hore ama kuwa cusub

Haddaba doodda waxaa ka qayb qaadatay Saxardiid Xaashi Ardaale, Asiya Bint Saleebaan iyo Dayib Muxumad Caydiida waxaana u qaybinaya hadalka Cabdilaahi Sheekh Cabdirisaaq.