Gobollo kale oo ku biiray dacwadda lagu diidan yahay xayiraadda Trump

Ismail Isack oo caruurtiisa ku soo dhoweeyay garoonka JFK, waxaana horey u saameeyay mamnuucidii hore Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Ismail Isack oo caruurtiisa ku soo dhoweeyay garoonka JFK, waxaana horey u saameeyay mamnuucidii hore

Seddax gobol ayaa taageeray dacwad uu gudbiyay maamulka gobolka Hawaii oo sharciga la tiigsaday go'aankii Donald Trump uu ku mamnuucay Muslimiinta lix dal.

Donald Trump ayaa saxiixay amar uu lix dal oo Musliim ah dadkooda uu 90 maalmood uga mamnuucay safarada Mareykanka.

Maamulka New York ayaa go'aanka u arko mid Muslimiinta oo dhan ka dhan ah, halka maamulka Washington uu sheegay in uu amarka dhaawac gaarsiinayo gobolka.

Gobollada Oregon iyo Massachusetts ayaa sidoo kale ku biiray dacwadda looga hortagayo in uu amarka Trump dhaqan galo.

Mamnuucidda waxay billaabaneysaa 16-ka bisha Maarso, ayadoo Aqalka Cad uu sheegayo inuu aad ugu kalsoonyahay in dacwadda maxkamadda ay ka guuleysanayaan.

Amarkii hore ee Trump oo aad uga baallaarna midka hadda, waxaa joojisay maaxkamad ka dib dacwad ay horkacayeen Washington iyo Minnesota oo loo gudbiyay maxkaamad.


Gobollada maxay u diideen amarka Trump?

Oregon - Wuxuu sheegay in amarka uu dhaawacayo shacabka, shaqaalaha, jaamacadaha, hanaanka caafimaadka, iyo dhaqaalaha.

Washington - Waxay aaminsan tahay "in sharcidaro ay tahay sida amarkii hore" uuna dhaawacayo shacabka, inkaste oo uu ka fudud yahay midkii hore

New York - "Xayiraaddaa Muslimiinta oo magac kale loo bixiyay", ayuu yiri xeer ilaaaliyaha magaalada

Massachusetts - xayiraaadda cusub "weli waxay tahay midib takoor iyo sharcidaro. Trump wuxuu iska dhigayaa in uu wanaajinaayo wixii uu ololihiisa ku baallaan qaaday, uuna ku meel marinayo mamnuucidda Muslimiinta".

Hawaii - Wuxuu ku doodayaa maamulkeeda in amarka uu dhibaateynayo bulshada Muslimiinta gobolka, dalxiiska, iyo ardeyda ajaaniibta ah.


Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Daawo: Sida uu amarka Trump u saameeyay Soomaalida sugeysay in loo qaado Mareykanka

Xayiradda cusub waxaa la saaray dadka raadinaya dalku-galka Mareykanka ee ka soo jeedo: Soomaaliya, Iiraan, Suuriya, Suudaan, Liibiya, Yaman.

Sidoo kale waxay xayiraadda saameyneysaa qaxootiga ka soo jeedo dhammaan dalalkaasi.

Amarkii hore ee Trump waxaa tuurtay maxkamad federaal ah, sidoo kale waxaa ka dhashay isu soo baxyo waaweyn oo ka dhacay gudaha Mareykanka.

Welina waxaa xayiraadda cusub loo arkaa in lagu takoorayo Muslimiinta.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan