AMISOM oo lagu eedeeyay inay kacagajiideyso bixinta magdhow
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

AMISOM oo lagu eedeeyay in ay ka cagajiideyso bixinta magdhow dad ay laysay

Ciidamada AMISOM ayaa lagu eedeeyay in ay ka gaabisay bixinta magdhowga dad ay ku laysay Qoryoolay.

Dadkaasi ayaa ku dhintay hub ay ciidamada AMISOM ku dhufteen gaari qudaar siday.

Arrintaasi ayaa dhacday bishii September ee sanadkii tagay. Balse muddo ka dib reerihii dadkoodu dhinteen waxay sheegayaan inaysan helin magdhowgii loo ballan qaaday.

Dhinaca Kale, ciidamada AMISOM ayaa sheegay in weli gacanta lagu hayo baaritaanka dhacdadaas.

Korneel Musibi Bangani oo ka tirsan xafiiska AMISOM ee la socda dhibaatada dadka rayid-ka ah ka soo gaarta hawlgalka ayaa sheegay in ay jiraan dhacdooyiin aad u badan oo ah dad ay dhibaato ka soo gaartay howlaha Ciidamada, wuxuuna codsaday in shacabka ay dulqaad muujiyaan.

Warbixin arrintaas ku saabsan halkan ka dhageyso.

Mowduucyada la xiriira