Dibadbaxyo ka socda Seoul

Dibadbax Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dibadbaxyo ka socda Seoul

Taageerayaasha iyo dadka ka soo horjeeda madaxweynihii hore ee Kuuriyada Koonfureed Park Geun-Hye, ayaa ku qabanaya dibad baxyo iska soo horjeeda caasimadda Seoul.

Labada dhinac ee iska soo horjeeda ayaa waxa ku dhexjira booliska ka hortaga rabshadaha.

Seddex qof ayaa ku dhintay dibadbaxyadan, arrintan ayaa daba socota markii maxkamadda ugu sareysa ee dalkaasi ay go'aamisay Jimcihii in xilka ay ka xayuubisay Ms Park.

Dadka ka soo horjeeda Mrs Park ayaa ku baaqayay in la soo xiro.

Madaxweynihii hore ayaa la xiriiriyay fadeexo musuq maasuq, oo ay ku jiraan qaar ka mid ah ganacsiyada ugu waa weyn Kuuriyada Koonfureed.