Weerar ka dhacay Yemen

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Duqeyma ay geysteen xulufada Sacuudiga

Waraka ka imaanaya dalka Yemen, ayaa sheegaya in xulafadu uu hoggaamiyo Sacuudiga, ay duqeyn dhanka cirka ah ay ka geysteen goob suuq ah ayna ku dhinteen tiro shacab ah.

Sarkaal maxali ah oo halkaa ku sugan ayaa sheegay, in weerarka uu ka dhacay dekedda kaluumaysiga ee Khoukha, gelinkii dambe ee Jimcaha, dad gubtayna laga soo saaray burburka dhismaha.

Xulufada Sacuudiga uu hoggaamiyo ayaanan weli ka jawaabin warbixintan.

Sacuudiga ayaa taageero dowladda Yemen dagaalka ay kula jirto fallaagada Xutiyiinta.

Marar badan ayaa lagu eedeeyay in ay geysteen dhimashada dadka rayidka ah loogu geysto suuqyada, Isbitaalada iyo xarumo kale.