Xabaal-wadareed laga helay Mosil agteeda

Badush waxaa laga qabsaday IS dhowr maalmood ka hor Lahaanshaha sawirka AFP/GETTY IMAGES
Image caption Badush waxaa laga qabsaday IS dhowr maalmood ka hor

Miliishiyooyin dawladda Ciraaq la shaqeeya ayaa sheegay inay ka heleen meydadka boqolaal qof oo ay dileen kooxda dawladda islaamiga xabaal wadareed ay ku aasnaayeen, meel u dhow Mosil.

Goobta ayaa ah xabsiga Badush oo laga qabsaday kooxda IS dhowr maalmood ka hor.

Ururka Hashed al-Shaabi, oo ay u badan yihiin mliiishiyo Shiica ah ma uusan sheegin tirada saxda ah ee maydadka xabaasha ku jiray.

Laakin wararka halkaa ka imaanaya ayaan ka duwanayn baaritaan ay Human Rights Watch samaysay 2014, kaasoo lagu ogaaday in kooxda IS ay ilaa 600 oo maxbuus ku dileen meel aan ka fogeyn jeelka.