Sidee abaarta looga gaashaaman karaa?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Sidee abaarta iyo xaalufka looga gaashaaman karaa?

Magaalada Hargaysa waxaa lagu qabtay shir looga hadlayay qaabka wax looga qaban karo isbeddelka cimilada, abaarta, biyo la'aanta iyo xaalufka baahsan.

Khubarada ka qeyb gashay shirkaasi ayaa soo bandhigay qaababka ay u arkaan in looga hortagi karo waxyaabaha keena abaarta soo laalaabatay.

Dr. Maxamed Muuse Cawaale waa gudoomiyaha hay'adda ka hortagga aafooyinka dabiiciga ah iyo cilmi-baarista deegaanka ee Somaliland, khabiirna ku ah daaqa iyo deegaanka.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Siciid Cige ayaa ka wareystay talooyin uu shirka ku soo bandhigay, oo ku saabsan sidii mustaqbalka xal loogu heli lahaa abaarta iyo xaalufka jira.