Ilmo laga afduubtay K/Afrika oo la helay

Siwaphiwe Mbambo Lahaanshaha sawirka South African Police Service
Image caption Siwaphiwe Mbambo ayaa la afduubtay ayadoo saaran gaariga hooyadeed

Gabar bil jir ah oo Jimcihii laga afduubtay magaalada Durban ee Koonfur Afrika ayadoo saaran gaari, ayaa badqab lagu helay.

Booliska dalkaasi ayaa habeennimadii Sabtida qabtay gaariga Siwaphiwe Mbambo lagu qafaashay, oo marayay inta u dhexeysa magaalooyinka Durban iyo Pietermaritzburg. Saddex qof oo ay ka mid tahay gabadha hooyadeed ayay boolisku su'aallo weydiinayaan.

Afduubka gabadhan ayaa dhaliyay olole ballaaran oo baraha bulshada ah, waxaana baadigoobkeeda ka qeyb qaatay boqol askari oo boolis ah.

Afduubkan ayaa ka yaabiyay shacabka Koonfur Afrika, waxaana dadka adeegsada baraha bulshada, gaar ahaan Twitterka ay billaabeen hashtag #HelpFindDurbanBaby, kaasoo lagu baadigoobayo gabadhaasi yar.

Dhaca baabuurta ayaa ku badan Koonfur Afrika, waxaana inta badan dadka gawaarida leh ay ku xiraan qalab ay ku dabageli karaan haddii laga dhaco.

Tirakoobkii ugu dambeeyay ee la sameeyay ayaa muujinaya in sanadkii tegay maalin waliba celcelis 40 gaari laga dhacay dalkaasi.