Konton ruux oo Itoobiyaan ah oo ku dhintay qashinqub

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Booliis iyo shaqaalaha gurmadka oo ku sugan goobta uu dhibku ka dhacay ee qashin lagu daadiyo

Ugu yaraan 50 ruux ayaa ku dhintay qashin qub sida buuraha noqday oo dusha ka maray guryo ku yaala duleedka caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, sida ay saraakiishu sheegeen.

Waxaa kale oo ay sheegeen in wali la la'yahay tiro dad ah tan iyo markii uu qashinkaasi ku habsaday dadka Sabtidii, dadka deegeenku waxay sheegeen in ay halkaas ku sugnaayeen 150 ruux, marka uu shilku dhacay.

Qashinka oo aad u badnaa ayaa aasay guro halkaas ka dhisnaa oo macmal ah,

Goobtaas ayaa qashinka magaalada Addis Ababa lagu daadinayay muddo 50 sano ka badan.

Afhayeen u hadlay magaalada ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in carruur badan ay ka mid yihiin dadka halkaas ku dhintay.

Waxaa laga cabsi qabaa in dhimashadu ay intaas ka sii badan karto.

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Dadka deegaanka ayaa ku soo aruuray qashin qubka ayaga oo sugaya in ay war ka helaan kuwa ay jecelyihiin
Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption In kabadan 50 sano ayaa qashinka lagu daadinayay goobtan