Pique: ciyaartoyda Barcelona waa bani-aadan

Barcelona ayaa hadda labo dhibcood ka hoosaysa Real Madrid Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Barcelona ayaa hadda labo dhibcood ka hoosaysa Real Madrid

Gerard Pique oo difaaca uga dheela Barcelona ayaa sheegay in kooxdiisu ay bani'aadan tahay ka dib markii ay guushii la yaabka lahayd ee Horyaalka Yurub ay ku xijiyeen guul darradii 2-1ka ahayd ee Deportivo La Coruna ka soo gaartay ka dib markii ay isku arkeen ciyaar ka tirsan Horyaalka Spain ee La Liga.

Barcelona ayaa 6-1 kaga badisay PSG Arbacadii, iyadoo isku darka natiijooyinka labadii kulanna ku gudubtay 6-5, si layaableh ayayna saddex gool ugu dhaliyeen toddobodii daqiiqo ee ciyaarta u dambaysay.

Pique ayaa intaas ku daray in guushii waynayd ee Arbacadii iyo raynrayntii ka dhalatay in ay culays ku keeni doonto haddiiba laga badiyo.

"Ma awoodno in aan u ciyaarni sidii aan rabnay" ayuu haddalka sii raaciyay.

Barcelona waa hadda kaalinta koobaad ee horyaalka kala wareegtay Real Madrid oo 2 iyo 1 kaga badisay Real Betis.