Lix ku dhimatay qarax ka dhacay Muqdisho

Gurmad ayaa billawday qaraxa ka dib Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Gurmad ayaa billawday qaraxa ka dib

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay agagaarka hoteel ku yaalla magaalada Muqdisho, sida uu sheegay booliska magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo loo adeegsaday gaari ayaa waxa uu ka dhacay meel u dhaw hoteelka Wehliye oo ku yaalla waddada mashquulka badan ee Maka Al Mukarramah.

Waa qaraxii labaad oo saacado gudahood ka dhaca magaalada Muqdisho. Qarax gaari loo adeegsaday ayaa saaka ka dhacay meel ku dhow saldhig ciidan oo ku yaalla degmada Wadajir.

Kooxda Al-Shabaaab ayaa inta badan bartilmaameedsato hoteelada Muqdisho.

Dad ku dhintay qarax ka dhacay Muqdisho

Dilal ka dhacay magaalada Muqdisho

Qarax wayn oo ka dhacay hotelka SYL ee Muqdisho

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Qaraxa ayaa lala eegtay hoteel ku yaalla Muqdisho
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Daawo: Jahwareer ka dhashay qarax ka dhacay Muqdisho