Buhari oo maanta dib ugu laabtay xafiiskiisa

Buhair Lahaanshaha sawirka Reuters

Madaxweynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari ayaa maanta dib ugu laabtay xafiiskiisa oo uu muddo laba bilood uga maqnaa sababo caafimaad.

Mr Buhari ayaa ku laabtay dalkiisa Jimcihii ka dib todobaadyo uu fasax ugu maqnaa UK iyadoo xaaladdiisa caafimaad aad loo hadal hayay.

Lama shaacinin faahfaahin ku saabsan xanuunka madaxwweynaha taasoo horseeday hadalhayn badan oo ku aadan caafimaadkiisa.

Masaajiddada iyo kaniisadaha Nigeria ayaa looga duceynayay madaxweynaha.

Madaxweyne ku xigeenka Yemi Osinbajo ayaa dalka sii hogaaminayay muddadii madaxweyne Buhari uu maqnaa.

Dadweynaha Nigeria qaarkood ayaa ammaanay Osinbajo iyo qaabka uu dalka u hoggaaminayay dalka intii uu Buhari maqnaa.

Buhari: Weligay sidan oo kale uma xanuunsan

Nigeria oo shacabkeeda uga digtay inay Mareykanka u safraan