Roobdoon iyo Alla-bari
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Roobdoon iyo Alla-bari

Ayadoo abaar aad u kulul ay weli dhibaato ku hayso qaybo badan oo Soomaaliya ka mid ah ayaa madaxweynaha cusub, Maxamed C/laahi Farmaajo, wuxuu ku dhawaaqay in Talaadada maanta ah la isu soo baxo oo la oogo salaado roob doon ah.

Warar hore ayaa jiray oo la xiriira in salaado iyo alla bari roob doon ahba ay hore uga billowdeen meelo dalka ka tirsan.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad waa guddoomiyaha hay'adda culumada Soomaaliyeed, Cabdifataax Ibraahim Cagayare ayuuna uga warramay alle bariga iyo salaadaha roob doonka ee dalka laga qabanayo.