Soomaali ku xiran Juba
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaali ku xiran Juba

Ayadoo dalalka qarbigu ay adkeeyeen xeerarkooda socdaalka ayaa qolyaha dadka tahriibiya ee Afrikada Bari waxay isku dayayaan inay helaan qaabab kale oo ay ku soo jiitaan dadka doonaya inay tahriibaan.

Dalka Suudaanta koofureed ayey u isticmaalayaan inay marin ka dhigtaan, halkaasoo lagu sameeyo dukumentiyo been abuur ah oo ah dukumentiyada dalalka qaarkood, si ay tahriibayaasha u gaarsiiyaan badda Mediterranean-ka.

Dhowr qof oo la sheegay inay mukhallasiin yihiin ayaa lagu xiray Suudaanta koofureed, kuwaasoo ay Soomaalina ku jiraan.

Arrimahaas ayaan ka waraysannay safiirka Soomaaliya u fadhiya Juba Xuseen Xaaji Axmed, Raage Xasan ayaana weydiiyey inuu uga warramo dadkan la xiray ee Soomaalidu ku jirto.