Maxuu ahaa Markabka lagu af-duubtay xeebaha Soomaaliya?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Muxuu ahaa Markabka lagu af-duubtay xeebaha Soomaaliya?

Dad looga shakisan yahay inay yihiin burcad badeed Soomaali ah ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay xeebaha Soomaaliya ka kaxaysteen markab u socday magaalada Muqdisho.

Markabkan oo ay saarnaayeen sideed howlwadeen ayaa mar qura waxaa ka go'ay is gaarsiintii.

Haddii la xaqiijiyana waxa uu noqonayaa markabkii ugu horreeyay ku dhawaad muddo shan sano ah oo halkaasi lagu afduubto.

Haddaba waxa uu kala socdo markabkan ayaa waxaannu ka wareysannay, Agaasimaha Hay'adda la dagaalanka Burcad Badeedda ee Puntland, Cabdirisaaq Maxamed Dirir (Ducaysane), oo khadka taleefanka ee magaalada Garowe ugu warramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare oo marka hore waydiiyay waxa uu markabkan ahaa?