Shaqo joojintii dhakhaatiirta Kenya oo la soo afjaray

dhakhaatiirta Kenya
Image caption Dhakhaatiirta Kenya oo shaqo joojin ku jira

Dhakhaatiirta dalka Kenya ayaa ogolaaday in ay soo afjaraan shaqo joojin curyaamisay hannaanka caafiamad ee dalkaasi, taasi oo socotay muddo 100 maalmood ah.

Saraakiisha ururka dhakhaatiirta Kenya ayaa heshiis kula saxiixday dowladda caasimadda Nairobi.

Dhakhaatiirta ayaa dalbanayay in 150% mushaaraadka loo kordhiyo.

Waxa ay sheegeen in dowladda ay horey heshiis ula gashay oo ay ogolaatay in ay mushaaraadka u kordhiso, basle ilaa iyo haatan ma cadda waxa lagu heshiiyay.

Ku dhawaad 2,500 oo ka mid ah xarumaha caafimaadka ee dalkaasi ayaa waxaa saameyn ku yeeshay shaqo joojinta dhakhaatiirta.

Muddadii ay shaqo joojinta socotay ayaa waxaa sida la sheegay dawo iyo daryeel la'aan u dhintay tiro bukaan ah oo ku sugnaa cusbitaalada ay dowladda maamusho.