Dad shuban ugu dhintay Qoryooley
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dad shuban ugu dhintay Qoryooley

Ayadoo abaar ba'an ay ka jirto guud ahaan soomaaliya ayaa waxaa haatan dhimasho laga soo sheegayaa degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo sida la sheegayo ay todobaad gudihiis ilaa sagaal qof ugu dhinteen xanuunno ay abaartu keentay.

Dadka dhintay ayaa sida uu noo xaqiijiyey guddoomiyaha degmada waxay u badnaayeen dumar iyo carruur, wuxuuna intaa ku daray ay jiraan tiro kale oo dad ah oo isbitaalka yaalla.

Faarax Lamaane ayaa Maxamed Xaaji Cismaan (shigshigow) oo ah guddoomiyaha degmada Qoryooley ka waraystay xanuunnada waxa ay yihiin iyo heerka ay iminka marayaan.