Dhismaha waddada Ceerigaabo iyo Burco
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dhismaha waddada Ceerigaabo iyo Burco

Mashruuca dhismaha waddada isku xidha Burco ilaa Ceerigaabo oo dhan 284KM oo saddexdii sano ee ugu danbeeyay soo socotay ayaa haatan meel fiican maraysa.

Arrintaas waxaa BBC u xaqiijiyey wasiirka wasaaradda hawlaha guud ee Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) oo warbaahinta la hadlay.

Wariyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa wasiirka, Cali Mareexaan, ka wareystay hawsha dhismaha waddadaasi halka ay mareyso, taasoo si iskaa-wax-u-qabso ah lagu dhisayo.