Kalkaaliso caafimaad oo Israa'iiliyad ah oo u dhimatay dab la qabadsiiyay

Warbaaahin badan oo Israa'iil laga leeyahay ayaa ku warramaya in qofka dilka gaystay uu ka mid yahay dadkii ka badbaaday dagaalkii holocaust Lahaanshaha sawirka MDA SPOKESPERSON
Image caption Warbaaahin badan oo Israa'iil laga leeyahay ayaa ku warramaya in qofka dilka gaystay uu ka mid yahay dadkii ka badbaaday dagaalkii holocaust

Kalkaaliso caafimaad oo reer Israa'iil ah ayaa dhimatay ka dib markii nin bukaan ah uu dab ku qabadsiiyay Holon oo ku taalla Koonfurta Tel Aviv.

Tova Kararo oo 56 sano jir ah ayaa dareere dabku durba qabsado lagu shubay dabna la qabadsiiyay ka dib markii uu muran dhex maray bukaan aan ku qanacsanayna adeegga la siinayo, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan booliiska.

Ninka laga shakisan yahay oo da'da todobaaatameeyada ku jira ayaa isaga cararay goobtii laakiin markii dambe ayaa la soo qabtay.

Shaqaalaha caafimaadka ee Israa'iil ayaa qorshaynaya in ay shaqo joojin labo saac ah ku dhaqaaqaan Arbacada si ay u muujiyaan walaca ay ka qabaan dhibaatooyinka ka soo gaara xirfadooda.

Lahaanshaha sawirka MDA SPOKESPERSON
Image caption Gurmadka deg dega ah ayaa gaaray meesha uu dhibku ka dhacay laakiin isla goobtii ayay ku dhimatay kalkaalisadii

Warbaaahin badan oo Israa'iil laga leeyahay ayaa ku warramaya in qofka dilka gaystay uu ka mid yahay dadkii ka badbaaday dagaalkii holocaust uuna qabay xanuunno dhanka dhimirka ah

Sigal Bar Tzvi oo ka mid ah saraakiisha booliiska ee deegaanka uu dhibku ka dhacay ayaa sheegay in ninkaasi uu yimid xarunta caafimaadka isla markaasna uusan ku faraxsanayn sidii loo dawaynayay.