Wasiirka Arrimaha Dibadda ee UK oo Muqdisho booqday
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Daawo: Farmaajo oo ka hadlay booqashada Boris

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Britain Boris Johnson ayaa maanta magaalada Muqdisho ku tagay booqasho aan horay loo sii shaacinin. Waa booqashadii ugu horaysay ee uu ku tago Soomaaliya tan iyo markii uu xilka la wareegay. Mr Johnson ayaa wadahadallo la qaatay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.