Hooyo umul ah oo u dhimatay abaarta darteed
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Hooyo umul ah oo u dhimatay abaarta darteed

Abaaraha ka taagan Soomaaliya ayaa dadkii ku nafwaayay waxaa kamid ahaa hooyo gaajo iyo harraad ugu dhimatay meel u dhaw degmada Afgooye.

Hoyadaasi waxay ifka uga tagtay 2 ilma ah oo ay dhashay, kuwaasoo ay hadda gacanta ku hayso ayeeydood oo la yiraahdo Nuurto Cali Axmed.

Nuurto ayaa BBC u sheegtay in ay abaarta awgeed uga soo barakaceen deegaan hoos taga Buurhakaba, ayna hadda ilmahaasi ku hayso xero ku taalla Muqdisho.

Bashir Maxamed Caato ayaa khadka telefoonka ee Muqdisho ku waraystay.