Man City oo ka hartay horyaallada Yurub

Champions leaugue Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Man City iyo Manoco

Kooxda Manchester City ayaa ka hartay tartanka horyaallada Yurub, ka dib markii xalay 3-1 ay uga adkaatay Monaco oo gurigeeda lagu dheelayay.

Kooxda macallin Guardiola ayaa daqiiqadii 71-aad ciyaarta ka dhigtay 2-1, taasoo u suuragalin lahayd in ay soo baxdo, balse Tiemoue Bakayoko oo Monaco ka tirsan ayaa lix daqiiqo ka dib ciyaarta ka dhigay 3-1, taasoo kooxdaasi u sahashay in ay kusoo baxdo qaabka away goal-ka loo yaqaano.

Lugtii hore ee ciyaartan ayaa City waxa ay kusoo adkaatay 5-3, ayadoo Monaco ay qeybtii hore ee ciyaarta ku gacan saraysay weerarka.

Kooxda Leicester City ayaa noqotay tan keliya ee Ingiriiska ku matalaysa rubuc dhammaadka Horyaallada Yurub.

Sidoo kale waxaa xalay soo gudubtay kooxda Atletico Madrid, ka dib markii ay barbaro 0-0 ah isku mari waayeen Bayer Leverkusen. Lugtii hore ee ciyaartan ayaa waxaa 4-2 ku adkaatay Atletico Madrid.