Bangladesh oo laysay dad argagixiso looga shakisan yahay

Ciidammada Bangladesh Lahaanshaha sawirka .

Laamana ammaanka ee dalka Bangladesh ayaa sheegay in ay dileen afar ruux oo looga shakisan yahay in ay ahaayeen Malayshiyo ku sugnaa meel u dhaw magaalada xeebta ku taalla ee Chittagong.

Afhayeen u hadlay booliiska ayaa BBC-da u sheegay in waaxda la dagaalanka argagixisadu ay rasaas ku fureen dadkan oo ku sugnaa goob deegaan ah.

Wuxuu sheegay in mid ka mid ah ragaasi uu xirnaa shay garan ahaan ah oo ay ka buuxeen walxaha qarxa kaas oo qarxay dilayna isaga iyo labo nin oo kale.

Haweenay kale ayaa iyadana toogasho lagu dilay.

Afhayeenku wuxuu sheegay in la rumaysan yahay in dadkaasi ay ka tirsanaayeen koox loo yaqaanno Jamaacatul Mujaahidiin Bangladesh, kuwaas oo lagu eedeeyay weerarro kala duwan oo ay ka mid ahaayeen midkii ka dhacay makhaayadda ku taala magaalada Dhaka sanadkii hore, kaas oo ay ku dhinteen labaatan ruux.