Markabkii lagu haystay Caluula oo la siidaayay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Markabkii lagu haystay Caluula oo la siidaayay

Dableydii xeebaha degmada Caluula afduubka ugu haysatay markabka xamuulka ah ayaa siidaayay xalay fiidkii, sida ay BBC u xaqiijiyeen qaar ka mid ah raggaasi iyo weliba dadka deegaanka.

Odayaasha deegaanka ayaa sheegay in ay dableyda ku qanciyeen in ay siidaayaan markabka iyo shaqaalaha saaran, isla markaana aanay jirin wax lacag madax furasha ah oo la siiyay.

Markabka oo shidaal siday ayaa dableydu waxa ay Isniintii ka qafaasheen xeebaha Puntland.

Koose Yuusuf Xaaji oo ka mid ah odayaasha gacanta ka geystay in markabka la sii daayo ayay Suheyba Maxamed Badqas khadka telefoonka ku waraysatay asaga oo ku sugan degmada Caluula ee gobolka Bari.