68 qof oo xanuun ugu dhintay Qansax-dheere
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

68 qof oo xanuun ugu dhintay Qansax-dheere

Degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay ayaa lagu soo warramayaa in ay labadii todobaad ee la soo dhaafay ay 68 qof ugu dhinteen xanuunno lagu sheegay daacuun, kuwaas oo ka dhashay caafimaad darrada iyo biyo la'aanta ay abaaraha keeneen.

Gudoomiyaha degmadaas, Isaaq Cabdi Maxamuud, oo u waramay BBC-da ayaa sheegay in magaalada Qansax-dheere lafteedu muddo shan sannadood ah ay go'doomiyeen Al-shabaab oo abaarahan ka horba ay yaraayeen isku socodka ay magaaladu la lahayd dalka intiisa kale.

Xasan Cali Geelle ayaa ugu horrayn gudoomiyaha waydiiyey bal inuu ka war bixiyo xaaladda guud ee degmadu sida ay haatan tahay.