Merkel oo Trump kula kulmaysa Washington

Donald Trump and Angela Merkel have widely differing leadership styles Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Habka Hogaamineed ee Trump iyo kan Merkel ayaa aad uka kala duwam

Hogaamiyaha dalka Jermalka Angela Merkel ayaa kulan Washington kula yeelan doonta madaxweyne Donald Trump, waxyaabaha u waawayn ee ay ka wada hadli doonaanna waxaa ka mid ah hindisaha ganacsi ee Yurub iyo Maraykanka ee transatlantic trade loo yaqaano iyo gaashaan buurta Nato.

Trump ayaa Jermalka ugu baaqay in ay kordhiyaan kharashaadka ay ku bixiyaan difaaca wuxuuna ugu goodiyay in Maraykanku uu kharashaadka ku kordhin doono shirkadahooda gawaaarida sameeya.

Merkel waxaa kulankaas ku wehelin doona madaxda sarsare ee shirkadaha Jermalka ee kala ah Siemens, Schaeffer iyo shirkadda gawaarida ku caan baxday ee BMW.

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Kulanka Merkel ayaa horay loo baajiyay cimilada oo xumaatay awgeed

Booqashadeeda waxaa la sii qorsheeyay in ay dhacdo Talaadadii laakiin waxaa loo baajiyay baraf dabaylo watay.

Kulanka Jimcaha ka hor Merkel waxay wargeys Jermalka ka soo baxa u sheegtay in ay danaynayso kulanka koobaad ee ay la yeelanayso madaxweyne Trump.