Barnaamijka Falanqaynta Jimcaha ee Doodda Jimcaha
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Barnaamijka Falanqaynta Jimcaha ee Doodda Jimcaha

Barnaamijka Doodda Jimcaha ee waxay ila tahay wuxuu ku saabsanaa xiriirka ka dhaxeeya kaluumaysiga sharci darada ah ee badaha Soomaaliya iyo falalka shufto badeednimada, iyadoo mudo 5 sano oo xeebaha Soomaaliya lagu afduubtay markabkii ugu horeeyey, iyadoo taasi loo fasirtay in falalkii shufto badeednimada ay dib ugu soo laabteen baddaha Soomaaliya, waxaana ay dhalisay walaac ku aadanaa in xilligan oo abaaro xoogan ay jiraan in arimahaas ay caqabad ku noqdaan maraakiibta gurmadka abaaraha sida iyo waliba kuwa ganacsiga ee Soomaaliya ku socda ama kuwa goosha badda.

Dooda waxaa ka qayb galaya

1: Siciid Jaamac Maxamed oo ah wasiir kuxigeenka wasaarada kaluumaysiga & khayraadka Badda

2: Cabdiraxmaan Jaamac Kulmiiye oo ah wasiir dawlaha wasaaradda kaluumaysiga Puntland.

3. Cabdirasaaq Maxamed Dirir oo ah agaasimaha hay'adda la dagaalanka Burcad badeeda ee Puntland.

Dooda waxaa qaybinaya Mowliid Xaaji Cabdi.