Xuutiyiinta oo haya Soomaalidii ka badbaaday doontii lagu weerarray Yemen
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xuutiyiinta oo haya Soomaalidii ka badbaaday doontii lagu weerarray Yemen

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyntii loo geystay dooni ay dad Soomaali ah saarnaayeen, taasoo maraysay badda Yemen kuna socotay dalka Sudan.

Inta la xaqiijiyay 32 qof ayaa ku dhimatay duqeyntaasi, waxaana weli la la' yahay 15 kale.

Dhaawaca 7 ka mid ah dadkii weerarka ka badbaaday ayaa lagu daweynayaa goobo caafimaad oo ku yaalla magaalada dekadda ah ee Xudeyda.

Suleyman Maxamed Cali waa Soomaali ku nool magaalada Sanca, waxaana uu xiriir la sameeyay mas'uuliyiinta Yemen ee gacanta ku haya dadka soo badbaaday.

Khadka telefoonka ayaa waxa uu ugu warramay Suheyba Maxamed Badqas.