Rex Tillerson oo wadahadallo la yeelanaya Shiinaha

Xiriirka ka dhaxeeya labada dal ayaa waxaa hareeyay xiisad ka hor shirkan ay yeelanayaan hogaamiyayaasha labada dal Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Xiriirka ka dhaxeeya labada dal ayaa waxaa hareeyay xiisad ka hor shirkan ay yeelanayaan hogaamiyayaasha labada dal

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee waddanka Mareykanka, Rex Tillerson, ayaa waxa uu gaaray waddanka Shiinaha halkaasi oo uu wadahadal kula yeelanayo madaxda waddankaasi.

Safarkan oo ah lugtii ugu dambeysay ee uu Tillerson ku marayo Bariga Aasiya, ayaa waxaa hareeyay walaaca laga qabo barnaamijka nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi iyo baraamij gantaallada ballistic-ga.

Isagoo ka hadlayay Jimcihii waddanbka Kuuriyada Koonfureed, ayuu Mr Tillerson uga digay Pyongyang in jawaab milateri ay suuragal tahay in la qaato.

Madaxweyne Trump ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay in Kuuriyada Waqooyi ay u dhaqmaysay si aad u xun, Shiinaha oo ah xillafadiisa ugu weynna aanay wax badan qaban.

Hasayeeshee Beijing ayaa ka digtay in waddada kaliya ee lagu badbaadin karo hub ka dhigista ay tahay wadahadal un.

Sidoo kale waxa ay soo bandhigtay sida ay uga soo horjeeddo barnaamijka difaaca gantaalada ee bilowgii bishan uu Mareykanku geeyay Kuuriyada Koonfureed.