Wararkii ugu dambeeyay ee musiibadii Soomaalida Yemen
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wararkii ugu dambeeyay ee musiibadii Soomaalida Yemen

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Yemen, Cabdullaahi Xaaji Shuuriye, ayaa BBC-da uga warramay xaaladda dadka nool ee ka badbaaday gantaal shalay lala helay doon ay saarnaayeen qaxooti Soomaali ah oo Yemen ka qaxayay oo la sheegay in ay uga sii socdeen dalka Sudan.

Dhowr iyo soddon qof ayaa ku dhintay weerrarkaasi, waxaase la badbaadiyey ila siddeetameeyo, qaar ka mid ah waxaa lagu daweynayaa isbitaalada.

Safiir Cabdullaahi Xaaji Shuuriye oo haatan Muqdisho jooga ayaa waxaa khadka taleefanka ku wareystay weriyaha BBC Axmed Maxamed Ibraahim (Nagaashe) oo marka hore waydiiyey waxa uu kala socdo xaaladda qaxotiga Soomaalida ee jabku ku gaaray shalay xeebta Xudeyda ee Yemen?