Fallaagada Suuriya oo Xums laga saarayo

Laanqeyrta Cas ee Suuriya oo gacansiinaysa dadka laga saarayo xaafadda al-Waair ee magaalada Xums Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Laanqeyrta Cas ee Suuriya oo gacansiinaysa dadka laga saarayo xaafadda al-Waair ee magaalada Xums

Waxaa bilowday howlgal lagu soo daadguraynayo dagaalyahanada mucaaradka Suuriya ee ku harsanaa qeyb ka mid ah magaalada Xums.

Heshiis lala gaaray dowladda ayaa ka dhigan in in ka badan 12,000 oo qof loo qaado deeganada ay fallaagadu maamusho ee waqooyiga.

Xums ayaa mar dadka qaar waxa ay u yaqaaneen inay tahay caasimadda kacdoonka.

Heshiiska dadka looga saarayo xaafadda Al-waa'ir ayaa waxa uu goobtaasi ka dhigayaa in gebi ahaanba ay gacanta u galayso dowladda.

Ciidammada Ruushka ayaa waxa ay dusha kala socdeen basaskii ugu horreeyay ee halkaasi ka baxay, iyadoo dadka arrimahaa isha ku hayana ay ku qiyaasayaan in halkaasi ay ku sugan yihiin 2 kun iyo shan boqol oo dagaalyahan, kuwaasi oo la filayo inay ka mid noqdaan dadka halkaa isaga bixi doona todobaadyada soo socda.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ciidammada Ruushka ee halkaa ku sugan ayaa dusha kala socday dadgureynta

Heshiisyo noocan oo kale ah ayaa horay loogu gaaray magaalada Xalab iyo qeybo ka mid ah magaalada Dimishiq.

Dowladda Suuriya ayaa heshiisyadaasi ku tilmaantay inay yihiin isfahan "dib u heshiin" waxaana ay ku doodaysa inay muhiim u yihiin sidii lagu soo afjari lahaa colaadda dalkaasi ka taaganeyd mudada lixda sana ah.

Hasayeeshee dadka ka soo horjeeda dowladda Suuriya ayaa sheegaya in taasi ay u dhiganto in dadka guryahooda laga barakiciyo iyadoo la adeegsanayo go'doomin iyo duqeyn.