Soomaali internetka lacag ugu ururinayo abaarta
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaali internetka lacag ugu ururinayo abaarta

Dhawaan waxaa baraha bulshada kusoo badanayay dad Soomaali iyo ajaanib leh oo dhaqaalo u ururinaya si wax looga qabto abaarta ba'an ee ka taagan Soomaaliya.

Ururka Somali Faces oo ah mid internet-ka kusoo bandhiga sheekooyinka Soomaalida, ayaa waxa uu waddaa barnaamij uu lacag ugu ururinayo dadka ay abaarta saamaysay.

Ilaa iyo hadda waxa uu ururkaasi sheegay in uu helay 75 kun oo dollar, lacagtaasi oo uu ku caawin doono dadka dhibaataysan kuwa ugu darran.

Maxamed Ibrahim Sheekh oo madax u ah Somali Faces ayaa lacagtaasi iyo halka ay ku bixinayaan uga warramay Cabdixaafid Cawil Ismaaciil.