Qaxootiga Xagardheer oo ka cabanaya bandow la saaray
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qaxootiga Xagardheer oo ka cabanaya bandow la saaray

Dadka ku nool xerada qaxootiga ee Xagardheer ayaa ka cabanaya bandow ay saartay dowladda Kenya iyo in laga joojiyay baabuurta halkaasi ka shaqeeya.

Arrintan oo muddo todobaad ku dhaw socotay ayaa waxaa la rumeysan yahay in ay ka dambeysay markii dhawaan xeradaasi laga afduubtay saddex macallin oo halkaasi ka howlgalayay.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in halkaasi ay ka waddo howlgal ammaanka lagu sugayo.

Hadaba waxaa kuwan qaar ka mid ah dadka ku nool xerada Xagardheer oo dareenkooda ka dhiibanaya bandowga.