Nin loo xiray in uu dilay canug hal sano jira

  • 20 Maarso 2017
Booliiska oo baaritaan samaynaya ayaa guri guri u galay agagaarka uu dhibku ka dhacay Lahaanshaha sawirka PA
Image caption Booliiska oo baaritaan samaynaya ayaa guri guri u galay agagaarka uu dhibku ka dhacay

Nin looga shakisan yahay in uu dilay wiil yar iskuna dayay in uu dilo gabar yar oo kale ayaa la xiray.

Labada ilmoodba waxay jireen min hal sano.

Bidhya Sagar Das oo 33 jir ah ayaa loo malaynayaa in uu yahay carruurta aabahood, waxaana loo raadinayay dhacdo ka dhacday guri ku yaalla Finsbury Park, oo waqooyiga London ah.

Labada ilmood ayaa loo malaynayaa in ay mataano yihiin, habeenimadii Sabtida ayaana la helay iyaga oo dhaawac halis ah qaba.

Wiilka ayaa geeriyooday saacadihii hore ee Axaddii gabadhiina isbitaal ayaa lagu dabiibayaa iyadoo ay xaaladeeda caafimaad liidato.

Gurmad diyaaradeed oo degdeg ah

Saraakiishu waxay sheegeen in qof shacab ah uu ka soo wacay Wilberforce Road, ka dib markii uu qoys dhib ka dhexdhacay.

Mid ka mid ah carruurta ayaa loola cararay Isbitaalka Royal London Hospital isaga oo diyaarad gurmadka caafimaadka ka shaqaysa lagu sii qaaday, midka kalana gawaarida gurmadka degdega ah ayaa sii qaaday.

Qof goobjooge ah ayaa sheegay in uu maqlay cod haween oo caawin dalbanaysa, xoogaa ka dibna ay aragtay carruur laga sii bixinayo dhismaha.

'Dhacdo masiibo ah'

Das ayaa laga qabtay bariga London waxaana lagu xiray xabsi halkaas ka dhawaa, walina halkaas ayaa lagu hayaa.

Dave Whellams oo hogaaminaya baaritaankan ayaa sheegay "in ay caddahay in ay arrintani masiibo tahay, ayna u tacsiyaynayaan qoyska uu dhibkani soo gaaray.

"Inkastoo dadaal badan oo caafimaad loo sameeyay haddana wiilkii yaraa wuu geeriyooday.

"Gabadhiina xaalad adag ayay hadda ku jirtaa dhakhaatiir takhasus ah ayaana xaaladdeeda gacanta ku haya.

"Inkastoo aan marxaladihii u horeeyay ee baaritaanka ku jirnana, nin ayaa hadda la xiray.

"Waxaan wali jeclaan lahayn in helno macluumaad ku saabsan masiibadan haddii uu jiro qof wax ka og.