Brazil oo iskudayaysa in ay dajiso fadeexadda hilibka

  • 20 Maarso 2017
Temer ayaa dublamaasiyiinta ku martiqaaday hilib solay ah ka dib kulan rasmi ah oo ay madaxtooyada kula yeesheen Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Temer ayaa dublamaasiyiinta ku martiqaaday hilib solay ah ka dib kulan rasmi ah oo ay madaxtooyada kula yeesheen

Madaxweynaha dalka Brazil Michel Temer ayaa dalalka adduunka u xaqiijiyay in musuqmaasuqa hareeyay warshadaha hilibka ee dalkiisa in aysan ka dhignayn in wax soosaarkoodu uu yahay mid aan badqabin oo xun.

Isaga oo kulan la yeeshay danjireyaasha dalalka qaaradda Yurub, kan Maraykanka iyo midka Shiinaha ayuu Temer sheegay in dawladdiisu ay wali ku kalsoontahay tayada hilibka ee dalka ee Brazil.

Shirkaddaha ugu waawayn dalkaas ee warshadeeya hilibka ayaa lagu eedeeyay in ay muddo sannado ah iibinayeen hilib aan tayadiisu wanaagsanayn.

Brazil ayaa kaalinta koobaad kaga jirta dalalka adduunka ee dhoofiya hilibka xoolaha ama hilibka guduudan.

'Caddayn degdeg ah'

Jimcihii ayay booliiska faderaalku hawlgal ka fuliyeen warshado hilibka soo saara waxayna xabsiga dhigeen in kabadan 30 ruux.

Dawladdu waxay shaqada ka joojisay in kabadan 30 masuul oo ka mid ahaa dadkii ay dawladdu u xilsaartay la socoshada nadaafad xumada iyo dadka aan sharciga ilaalinaynin ee warshadaha ka shaqeeya.

Waxaa socda baaritaan ku aadan in masuuliyiintaasi ay falal musuqmaasuq ku kaceen.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Warshadaha JBS iyo BRF labadooduba waxay sheegeen in ay dawladda la shaqaynayaan

Waxaa albaabada loo laabay saddex warshadood oo hilibka warshadeeya, 21 kalana baaritaanno ayaa lagu wadaa.

Temer ayaa sheegay in shirkadaha aadka loo hadal hayo ee baaritaannada lagu wado in ay qayb aad u yar ka yihiin warshadaha hilibka ee dalkiisa.

"21 ka mid ah 4,837 warshadood ee guud ahaan dalka Brazil ku yaalla ayay baaritaan ku haysaa dawladdu ka dib markii wax isdabomarin lagu eedeeyay. Lix ka mid ah shirkadahaas oo kali ah ayaana dalka dibaddiisa u dhoofiyay hilib 60kii maalmood ee u dambeeyay,: ayuu yiri Temer.