Shan ku dhimatay qarax ka dhacay Muqdisho

Qaraxa waxa uu dka dhacay meel u dhawTiyaatarka
Image caption Qaraxa waxa uu dka dhacay meel u dhawTiyaatarka

Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in ugu yaraan 5 qof ay ku dhinteen qarax xoog leh oo ka dhacay bar koontarool oo ku taalla agagaarka Tiyaatarka ee magaalada Muqdisho.

Afhayeen u hadlay booliska, Maxamed Xuseen ayaa sheegay in gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay loo adeegsaday weerarkan oo dhacy iyadoo boolisku isku dayayay inuu joojiyo gaariga.

Waxa uu sheegay in seddax qof oo kale ay ku dhaawacmeen qaraxan. Qof goobjooge ah ayaa sheegay inuu arkay meydadka ugu yaraan 2 askeri.

Kooxda Al Shabaab ayaa inta badan weerarada noocan ah ka fuliso Muqdisho.

Weerarkan u dambeeyay ayaa yimid saacado uun ka dib markii ra'iisalwasaaaraha uu shaaca ka qaaday golihiisa cusub ee wasiirada.