Mareykanka oo taageeraya dowladda Ciraaq

AL Abadi Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Xeydar Al-Cabadi

Dowladda dalka Ciraaq ayaa sheegtay in Mareykanku uu u xaqiijiyay taageero buuxda oo ka dhan ah kooxda dowladda Islaamka ee dalkaasi.

Ra'iisalwasaraha dalkaasi Xeydar Al-Cabadi ayaa sheegay in maamulka madaxweyne Trump uu u xaqiijiyay in uu taageero la garab taagan yahay dowladda Ciraaq dagaalkeeda ka dhanka ah kooxdan.

Al-Cabadi ayaa hadalkan jeediyay ka dib markii uu madaxweyne Trump kula kulmay Aqalka Cad.

Waxa uu intaasi ku daray in uu hadda dareensan yahay in madaxweynaha cusub ee Mareykanka uu diyaar u yahay in uu la dagaallamo argagixisada marka loo eego madaxweynihii ka horreeyay ee Obama.

Balse waxa uu sheegay in uusan wali arkin qorshaha Trump ee la doonayo in looga adkaado kooxdan isku magacawda Dowladda Islaamka.

Weriyaha BBC-da ee Washington ayaa sheegaya in Trump uu wali ku mashquulsan yahay qaabeynta siyaasaddiisa.