Dhibta tahriibka iyo abwaan Baarleex
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dhibta tahriibka oo abwaan Baarleex uu la meel dhigay tan abaarta

Abwaanka Soomaaliyeed ee weliba aad caanka ugu ah dhaantada ee Cabdillaahi Xirsi Baarleex ayaa dhowaan waxa uu curiyay suugaan gabayo iyo saar uu kaga hadlay dhibaatada iyo huqda tahriibta oo isaga laftiisa laba wiil oo uu dhalay uu sheegay inay ka tahriibeen.

Weriyaha BBC ee Hargeysa, Axmed Saciid Cige, ayaa abwaan Baarleex ku wareystay Hargeysa oo weydiiyay suugaanta cusub ee uu tahriibka dhawaan ka sameeyay.