UK oo mamnuucday in qalabka qaar lala raaco diyaaradaha

Diyaarad degeyso Lahaanshaha sawirka Getty Images

Dowladda Britain ayaa ku dhawaaqday tallaabo lagu mamnuucayo in diyaaradaha lala raaaco qalabka elektorooniga ah.

Diyaaradaha tallaabadaasi ay saameyneyso waa kuwa dullimaadyada tooska ah ku taga UK ee ka baxaya dalalka Turkigaa, Lubnaan, Urdun, Masar, Tunisiyaa iyo Sucuudiga.

Waxaa diyaaradaha dalalkaasi ka baxa ee aada UK laga mamnuucay in lala raaco, Laptop-yada, Tablet-ka, iyo qalalka kale ee waaweyn.

Sidoo kale tallaabada waxay saameyneysaa rakaabka sita qalabkaa game-ka lagu ciyaaro.

Maamulka Britain aayaa sheegay in arrinta ay kala tashadeen laanta amniga hawada ayna "muhiim iyo laga maarmaan tahay".

Mareykanka ayaa tallaabo noocaas ah qaaday, diiwaankiisana waxaa ku jiro sideed dal.

Saraakiisha UN waxay sheegayaan in qalabkaasi lagu qarin karo bam iyo waxyaabo kale oo halis ah.

mamnuucidda waxay sidoo kale saameyneysaa teleefoonada Smart-ka ah ee ka weyn 16c.

Dhammaaan qalabka ay xayiraadda saameyneyso waxaa lagu xirayaa boorso, waxaana la saarayaa qeybta xamuulka ee diyaaradda.

Uk waxay sheegtay in meelmarinta tallaabada ay ku xiran tahay diyaaradaha, sidoo kalena rakaabka ay la xiriiraan diyaaradooda si ay faafaahin dheeraad ah u helaan.


Diyaaradaha ay arrinta saameyneyso

Lix shirado diyaarado oo UK ah:

  • British Airways
  • EasyJet
  • Jets.com
  • Monarch
  • Thomas Cook
  • Thomson

Sideed diyaarad oo dibadda UK laga leeyahay:

  • Turkish Airways
  • Pegasus Airways
  • Atlas-Global Airlines
  • Middle East Airlines
  • Egyptair
  • Royal Jordanian
  • Tunis Air
  • Saudia Saudia

Image caption Tallaaabadan cusub waxay saameyneysaa lix dal oo duullimaad toos ah ku taga UK, Mareykankana wuxuu mamnuucidda saaray sideed dal

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan