Kaaliyihii hore ee Trump oo "qariyay" lacag uu ka qaatay Ukraine

Paul Manafort. Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Paul Manafort wuxuu qirtay inuu la taliye ahaan ugu shaqeeyay madaxweynihii hore ee Ykraine Viktor Yanukovych

Waxaa soo baxaya eedo kale oo dheeraad ah oo loo jeedinayo Paul Manafort oo ahaa madixii ololihii Trump uu ugu soo baaxay doorashadii Mareykanka.

Xildhibaan ka soo jeedo Ukraine, Serhiy Leshchenko wuxuu sheegay in uu hayo cadeyn muujineyso in Manafort uu qariyay $750,000 oo dollar oo 2009-kii uu ka qaatay xibsi taageero ka hela Ruushka.

Afhayeenka Manafort ayaa eedaasi ku tilmaamay mid "aan sal iyo raad lahayn".

Manafort Wuxuu la taliye u ahaa madaxweynihii hore ee Ukraine, Viktor Yanukovych, balse wuxuu diiday in uu mushaar lacag cadaan ah qaatay.

Paul Manafort ayaa 2016-kii lagu qasbay inuu xilka maamulka ololaha Trump iska casilo ka dib markii la shaaciyay xiriirkii uu la lahaa Yanukovych.

Mr Manafort wuxuu ka mid yahay saaxiibada Trump ee hadda uu ku socdo baaritaan la xiriiro nooca uu ahaa xiriirka ay la lahaayeen Ruushka, xilligii ololaha doorashada Mareykanka.

Isniintii, agaasimaha FBI-da, James Comey wuxuu xaqiijiyay in markii ugu horeysay ay hay'adiisu baareyso eeda ah in Ruushka uu farageliyay doorashadii Mareykanka.

Talaadadii, Mr Leshchenko, oo ahaan jiray weriye waxbaara, wuxuu daabacay warqad ama qaansheegto uu ka muuqdo saxiixa Manafort oo ay ku qoran tahay $750,000 oo dollar.

Waxaa ka muuqday in lacagtaasi lagu siiyay kumbuutaro uu u raray shirkad lagu magacaabo Davis Manafort.

Dhaqaalaha waxaa soo diray shirkad aan la magacaabin oo ku taallaa Belize, waxaana lacagta lagu shubay bangi ku yaalla Kyrgyzstan.

Leshchenko wuxuu sheegay in heshiiska shirkadda ee meesha ka muuqda uu yahay mid lagu qarinayo lacagta uu ka helay Manafort madaxweynihii hore ee Ukraine.

Wuxuu ku doodayaa in lacagtaasi lagu siiyay latalin uu u sameeyay xisbigii Yanukovych.

Leshchenko wuxuu sheegay in warqadda oo uu ka helay buugaag gacanta lagu qoray oo uu lahaa xisbigii Yanukovych, laguna xusay magaca Mr manafort.

Madaxweyne Yanukovych waxaa xilka laga saaray 2014-kii, ka dib dibad baxyo waaweyn oo looga soo horjeeday maamulkiisa oo taageeray Ruushka.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan