"Afar bilood ayaan haysanaa si aan uga hortagno macaluusha Soomaaliya"

Abaaraha ayaa sababay gaajo iyo haraad baa'an oo laga soo sheegayo deegaanada Soomaalida Lahaanshaha sawirka Mustafa Saeed
Image caption Abaaraha ayaa sababay gaajo iyo haraad baa'an oo laga soo sheegayo deegaanada Soomaalida

Guddiga caalamigaa ah ee Laanqeyrta Cas ayaa ka digay in dad badan oo ku nool Soomaaliya iyo Yaman ay gaajo u dhintaan.

Red Cross ayaa sheegtay in gaajadaasi aay billaaban karto dhowr bilood gudahood.

Agaasimaha howlaha caalamigaa ah ee ICRC, Dominik Stillhart, oo shir jaaraa'id ku qabtay Geneva ayaa arrintaasi shaaciyay.

Wuxuu sheegay in colaadda iyo aabaaraha isbiirsaday ay micno u tahay in seddax illaa afar bilood la haysto si halista looga hortago.

Hay'addaa ICRC ayaa dhinacyada ku dagaallamaya Yaman ka codsatay in ay ogolaadaan in gargaar la gaarsiiyo dalka.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
DAAWO: Saameynta abaarta ay ku yeelatay Soomaalida Itoobiya

Dhankaa Soomaaaliya, ICRC waxay sheegtay in boqolkiiba 40 ay sare u kacday tirada caruurta nafaqo la'aanta ah.

Caruurtaasi oo da'dooda ka yartahay shan sano, waxaa la geeyay xarumaha ay leedahay hay'adda Laanqeyrta Cas.

Hay'adaha gargaarka waxay horraantii bishan codsadeen gurmad degdeg ah oo loo sameeyo 20 milyan oo qof oo macaluul wajahaya.

Dadkaasi waxay ku kala nool yihiin Soomaaliya, South Sudan, Woqooyiga Nigeria iyo Yaman.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
BBC-da oo tagtay deegaanada abaaraha ay ka jiraan ee Nugaal

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan